Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Turkiga oo markale qalab caafimaad keenay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo diyaaradood oo ka yimid wadanka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay gargaar caafimaad oo lagu talalagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay deeqdaasi markale ka timid Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Turkish Airlines ay keentay qalab caafimaad.

“Diyaaradii afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri muuqaal la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Turkiga oo ah saaxibka dhow ee Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore Muqdisho ka soo dajiyey gurmad caafimaad oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka,  si looga hortago Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xiriir la sameeyey dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka uu sida deg-degga ahi ugu soo diray Soomaaliya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna  Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa tababarka ciidamada, siyaasadda iyo bani’aadanimada.

95501223_2644585415787004_41326953398387 95549999_2644585259120353_14129018192684 95559921_2644585495786996_46065998752057 95566251_2644585905786955_99834616849471 95634310_2644585372453675_22029445392184

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this