Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Afgooye iyo Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in toogashada loo geystay Macalin dhigi jiray Dugsi Qur’aan, kaas oo si weyn looga yaqiinay magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay marxuumka dileen rag ku hubeysnaa bistoolado oo falka kadib goobta isaga baxsaday.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dambeysa dilka loo geystay Macalinka la toogtay, xilli ku sugnaa bartamaha degmada Afgooye.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, balse ma jirto illaa iyo hadda cid loo soo qabtay dhacdadaasi.

Dhanka kale weli wax hadal ah kama soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Shabeelaha Hoose

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah nabad-geliyada, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay qaarkood fuliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this