Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Shaybaarka COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   
baraawe-4.jpeg?w=1000&ssl=1

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu amray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 in ay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta  Wasaaradda caafimaadka oo ay la socdeen dhaqaatiir ay maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyeen qalabka caafimaad. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray isbitaalka magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19.

Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14 ruux oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababaray dhaqaatiir kale oo COVID-19 ka baari doona dadka ku sugan magaalada, kadibna Sample-ka xaqiijin ugu soo dira Muqdisho.

Maamulka degmada Baraawe ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Shaybaarka COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this