Deeq A. Posted May 4, 2020 Cashuurtu Waa Tiirarka ay Dawladu ku Shaqayso Cashuurtu waxay kow ka tahay Hab-maamulka kala socodsiinta Howlaha dawlada taaso ay ku dabareyso hawlaheeda u Qorsheysan iyo ilaalinta hantida umada taaso ay dawladu ku bixiso adeeg hufan oo ay bulshadana wax- ugu qabanayso adeegyada kala duwan sida kabayasha dhaqaalaha ,cafimaadka waxbrashada, tasoo ay Masuul katahay Wasaarada Maaliyada iyadoo sameysa miisaniniyada sanadeed isku dheeli tiran( Budget and expenditure) , hadaba si-guud madama dawlada-dhexe Masuul ugu tahay Dakhliga iyo kharashkaba hadana waaxo kalena wey ururin karan iyadoo oo hab-midaysan wasaarada maaliyadu u record Garaneyso marka waxaa waajib ku ah muwaadin kasta in uu noqdo cashuur-bixiye u hogaansan hanaanka dawlada oo aan cashuurta khiyaameyn Hadaba Cashuurtu waxay ukala baxda laba waaxood oo kala ah (indirect taxes and Direct taxes) Cashuurta dadban iyo Cashuurta Tooska ah , waxaa iyaguna qaadi kara cashuurta dawladaha hoose(local Government ) oo arimaha bulshada horumarinta iyo Qurxinta magaaloyinka Iyana si sharci ah uqaadi kara marka intaa la qaado cashuurtu waa in aad loo ilaaliya in aan la,lunsan oo aan shaqsiyaad aaney lunsan somalialnd wasaarada maaliyada waxaa cashuuraha u qaabilsan waaxda Kastamka iyo Cashuuraha beriga labadaa waaxoodba waa ilaha dakhliga ee wasaarada Maaliyada waa in la xoojiyaa si cashuurta dawladu u hesho cashuurtii waajibtey ,cashuurtu waxay ku waajibtahay shaqsi kasta iyo hayad kasta oo sharci (an individual or legal entity ) hadaynu eegno cashuuraha Beriga oo kale cashuurta ay qadaan waxay ka koobantahay sidan cashuurta Macash-macaashak Road tax Cashuurta wada marista Rent house tax cashuurta guryaha ijaarka ah Stamp duty tax Inheritance tax cashuurta dhaxalka Corporation tax cashuurta shirkadaha Construction befit tax including all income tax cashuurta macashka faa,idada Building taxes cashuurta dhismayasha Payroll taxes cashuurta shaqaalaha Sales taxes Cashuurta iibka Income taxes cashuurta Macashmacaashka Sidoo kale waaxa kastamaduna waxay cashuuran alaaboyinka soo degaya iyo alaabta dalka ka baxaysaba Ama laga dhoofinayo (imports and exports) waana isha ugu muhiimsan ee loo bahanyahay in la hubiyo tacrifadaha waxyabaha soo degaya ee kontiinarada ku jira in la baadho si loo garto si hufan Shaqaalaha Goobta kusugani hubiyaan inaaney dhicin alaab tacrifadeedu qalitahay oo tacrifad jaban lagu cashuuray wana meelaha mar-mar ay dhici kart il-duuf cashuureed ee tii logutalgalay ahay ka dhacdo Waxaa kale oo dawladu qaadi karta cashuuro kale oo magac loo bixin karo hadii loo bahdo Progressive taxes Cashuurta horumarsan Regressive taxes Cashuuraha soo noq-noqda Proportional and flat taxes Cashuur udhigma iyo mid siman Capital gains taxes. Cashuurta rasamaalka ah Excise Taxes cashuur dhaaf Sales Tax cashuurta iibka Property Taxes cashuurta hantida Cashuurta kale ee Dawladuu qaadi karto ee muhiimka ah Waa ta Shirkadaha Isgaadhsiinta Telecommunications taxes and surcharges cashuurta Isgaashsiinta iyadoo laga Cashuurayo incoming calls iyo out going calls waxaana laga cashuuraya internet as local or wireless telephone, cable ,electric Waana cashuurta dawlada Hadyo Jeer ka baaqata, Ganacsatada wadanka waxaan usoo jeedin laha iney dowladooda si hufan ay cashuurta ugu soo xereyaan madama aynu nahay wadan soo kobcaya, By. Abdirizak A.Shire Degree Development . Study Master Degree HRM Qaran News Share this post Link to post Share on other sites