Deeq A. Posted May 3, 2020 Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa caawa shaacisay 7 bukaan oo maanta laga helay xanuunka COVID-19. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka COVID-19 laga baaray 11 ruux, islamarkaana laga helay 7 kamid ah, oo 5 rag yihiin, halka 2 kalana yihiin dumar. Bukaanada 7 ah ee laga helay maanta xunuunka COVID-19 ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland xustay in 3 ka mid ah ay ku sugan yihiin degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, halka 4 kalna ay ku nool yihiin caasimadda Puntland ee Garowe. Tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ayaa gaartay 30 ruux, kuwaas oo ku jiro bukaan u geeriyooday. PUNTLAND POST The post Puntland oo laga diiwan galiyey kiisas cusub oo COVID-19 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites