Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaadda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Ee Tagtay Gudaha Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda fedraalka dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay ragyihiin 19-na haweenyihiin.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this