Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyey duleedka Jamaame

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jamaame ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen agagaarka magaaladaasi.

Ciraaqi ayaa sheegay in deegaanada ay ka sameeyeen howlgallada ay qeyb ka yihiin Kobon iyo Araare.

Sidoo kale wuxuu u jeedkooda ku sheegay inay yihiin kuwo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab looga saarayo halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this