Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo diiwaan-gelisay 51 kiisas cusub oo ah Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 19-na haween.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this