Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro DF oo agab caafimaad gaarsiisay M/ Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ka socda xafiiska R/wasaaraha oo siday daawooyin iyo qalab kale oo loogu talagalay ka hortagga Covid-19 ayaa gaaray magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa wafdigan garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta  Jubbaland, waxaana qeyb ka ah xubno loogu talagalay inay soo darsaan baahiyaha caafimaad ee ka jira halkaasi iyo la socodka xarumaha loo diyaariyey in lagu daryeelo dadka caabuqu uu soo rito .

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya kii afaraad ee deeq ceynkaan oo kala ah ka hela xafiiska madaxa xukuumaddda Soomaaliya oo kal hore u ballan qaaday maamulada gobolada in la siin doono wixii agab caafimaad ah oo lagu xakameynaayo Covid19.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

il-3-300x300 il-1 il-3-300x300 (1)

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this