Deeq A. Posted May 3, 2020 Wafdi ka socda xafiiska R/wasaaraha oo siday daawooyin iyo qalab kale oo loogu talagalay ka hortagga Covid-19 ayaa gaaray magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa wafdigan garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubbaland, waxaana qeyb ka ah xubno loogu talagalay inay soo darsaan baahiyaha caafimaad ee ka jira halkaasi iyo la socodka xarumaha loo diyaariyey in lagu daryeelo dadka caabuqu uu soo rito . Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya kii afaraad ee deeq ceynkaan oo kala ah ka hela xafiiska madaxa xukuumaddda Soomaaliya oo kal hore u ballan qaaday maamulada gobolada in la siin doono wixii agab caafimaad ah oo lagu xakameynaayo Covid19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites