Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war ka soo saartay maalinta xorriyadda saxaafada

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo ay maanta ku beegan tahay maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka ayaa wakiilka QM ee Soomaaliya, Ambassador James Swan wuxuu ku baaqay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tahay in si madax banaani leh ay u gutaan howlahooda shaqo.

Danjire James Swan ayaa sheegay in warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa banaan ay door muuqda ka qaadanayaan horumarka siyaasadda dalka, sidoo kalena ay cod u yihiin dadka danyarta ah iyo kuwa la kulmay xad-gudubyada.

Sidoo kale ergeyga Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ayaa soo jeediyey in lagama maar-maan ay tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay shaqadooda u gutaan, iyaga oo aan la kulmeynin xad-gudubyada hanjabaadda, xariga iyo caburinta.

 

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xilligan ku shaqeeya xaalado adag iyo duruufo dhanka ammaanka ah, waxaana gudaha dalka suxufiyiinta ay la kulmaan dil, xarig, hanjabaad iyo caburin, waxaana maanta oo ay ku beegan tahay maalinta xorriyada saxaafadda adduunka magaalada Muqdisho ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ku qabteen dibadbax ay uga soo horjeedaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan, gaar ahaan saddexdii sano ee la soo dhaafay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this