Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin ku saabsan dagaal maanta ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Al-Cadaala, gaar ahaan halka loo yaqaan Gumbacoole oo ka tirsan Kaaraan ayaa wuxuu dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Kaaraan iyo kuwa Militariga.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhashay muran ku saab dhul ku yaalla Degmada Kaaraan, waxaana weli halkaas ka taagan xiisad.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimada Online, dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Shacab ah, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo shacab ah oo la geeyey isbitaalada Muqdisho.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay Xaafadda Al-Cadaala.

Ciidamada dowladda ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaalamay magaalada Muqdisho, ayaga oo kala taageeraya dad ku beel ah oo isku haystaan dhul ama guryo.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this