Sign in to follow this  
Deeq A.

NUSOJ oo Suxufuyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 3-da May

Recommended Posts

Deeq A.   

Maaanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta xorriyadda saxafaadda caalamka, balse maanta waxaan la dhigeynin munaasabad, sababo la xariiro Coronavirus.

Xoghayaha guud ee ururka qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa hambalyo u diray dhammaan suxufiyiinta iyo bahweynta warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in munaasabadda maalintan ay ku soo aaday, xilli dalka uu ka dilaacay cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana aan la’isku imaan karin.

Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale ku boggaadiyey wariyeyaasha Soomaaliyeed shaqada adag ee ay hayaan, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Safa-.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this