Deeq A. Posted May 3, 2020 Tartanka bisha Ramadaan oo caawa galaya habeenkiisa 11-aad ayaa waxaa ku ballansan degmooyinka Dayniile iyo Xamar-weyne ee gobolka Banadir. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka B ee wareega koowaad tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Dayniile ayaa lugtii hore soo garaacday dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, halka Xamar-Weyne ay babaro la soo gashay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadior. Tartamayaasha kala mataya labada degmo ee barnaamijka caawa isaga hor imaan doono ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyeY. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites