Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn xooggan oo dhex-martay labada Korea iyo xiisad ka taagan xuduudda

Recommended Posts

Deeq A.   

Seoul (Caasimada Online) – Ciidamada Korea-da Waqooyi iyo kuwa Korea-da Koonfureed ayaa Axaddii rasaas xooggan isku weydaarsaday xuduudda labada dal, sida uu sheegay militariga Korea-da Koonfureed.

Militariga Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kuwa Waqooyi ay rasaas kusoo fureen bar kontorool oo cidankooda ay ku sugan yihiin, kadibna ay jawaab ka bixiyeen.

Ma jiro wax khasaare ah oo laga soo weriyey dhanka Korea-da Koonfureed, sida uu sheegay militariga dalkaas. Weli wax war ah lagama hayo dhanka Korea-da Waqooyi.

Xudduuda 250-ka km teedsan ee labada dal ayaa ah tan ugu ciidanka badan caalamka.

Korea-da Koonfureed ayaa waxa ay sheegtay inay xiriir la sameysay Koreada- Waqooyi, iskuna dayeyso in laga hortago in xiisadda ay kasii darto.

Rasaasta la is-weydaasarday ayaa timid maalin kadib markii Korea-da Waqooyi ay ku warrantay in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu bulshada kasoo dhex muuqday kadib toddobaadyo ay jireen warar ka dayrinayey xaaladdiisa caafimaad.

Xuduudda labada Korea ayaa waxaa ka buuxa miinooyin, goobo ilaalo, xeendaabyo, waxaana ku sugan qiyaastii laba milyan oo ciidan oo labada dhinac ah, kuwaas oo daqiiqad kasta diyaar u ah dagaal. Labada dhinac ayaa dhowr mar rasaas isku weydsarsaday xuduudda, sanadihii tegay.

Labad Korea ayaa farsamo ahaan waxaa weli ka dhaxeeya dagaal kadib markii Dagaalkii Korea ee 1950 ilaa 53-kii lagu hakiyey xabad joojin, balse aan la saxiixin wax heshiis nabadeed ah.

Iska hor-imaadkii ugu darnaa ayaa dhacay 2010, markii oo Korea-da Waqooyi ay gantaallo ku garaacday xuduudda Korea-da Koonfureed, halkaasi oo ay ku dileen laba askari iyo laba qof oo shacab ah, ayada oo Korea-da Koonfureed ay jawaab ka bixisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this