Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogatay Yaasiin Maxamuud oo ay ku eedeysay inuu u shaqeynayey Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan Yabaal ( Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaallka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe waxay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa dowladda Mareykanka.

Ninkan, oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamuud Cumar, ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Yaasiin uu qirtay inuu xogta iyo lamabarada xubno ka tirsan Al-Shabaab usoo diray sarkaal Mareykan ah oo ku sugan Xerada Xalane ee Muqdisho, kana tirsan hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Ma jirto cid xaqiijin karta in Yaasiin uu galay dambiyada lagu eedeeyey iyo qirashada Al-Shabaabka ay sheegeen inuu sameeyey.

Sida maxkamadda ay sheegtay, Yaasiin iyo sarkaalka CIA-da ayaa waxa aisku xiray sarkaal ka tirsan sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxkamadda Shabaabka, oo warkeeda ay baahiyeen warbaahinta kooxdan tagaeertay, ayaa sheegtay inuu Yaasiin soo qaatay qadandaraas la xiriira inuu keeno macluumaad dhameystiran oo lagu dili karo madax ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Shabeelada Dhexe, iyadoo loo ballan qaaday lacag badan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Yaasiin ay gacanta ku dhigtay isagoo gacanta kula jiro howlo basaasnimo ah.

Al-Shabaab ayaa waqtiyo kala duwan dil ku fulisay rag ay ku eedeysay inay jaajuus u yihiin Dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyeye, inkastoo aan dadka loosoo bandhigin qaabka ay u dhacdo maxkamadeynta iyo dadka la eedeeyey oo qiranayo ama diidayo waxa lagu eedeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this