Deeq A. Posted May 3, 2020 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka warbixiyey dagaalkii xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Teerage oo dhaca galbeed magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolkaasi. Axmeed Muuse Nuur ayaa sheegay inuu weerar xoogan uu uga yimid maleeshiyaad hubeysan oo burcad ah ama shufto ah, kuwaas oo dagaal ku qaaday saldhig ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxdaasi oo isa soo abaabushay ay ka timid dhanka maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. “Xitaa ma aaminsanin in weerarkii xalay uu soo qaaday ciidan beeleed, balse weerarkaas waxaa ka dambeeyey koox abaabulan oo ka yimid dhinaca Galmudug, kuwaas oo doonayey inay arbushaad ku sameeyaan ciidanka Puntland ee saldhigga ku leh Teerage.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo dheeraad ah ay u direen degaanka lagu dagaalamay ee Teerage, si ay uga hortagaan raggaasi hubeysan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid aad u degan. Inta badan Maleeshiyaadka ku wada ku sugan gobolka Mudug ayaa ku dagaalama qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro rayidka. Share this post Link to post Share on other sites