Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   
5-1.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.

  • 10-1.jpg?fit=1000%2C644&ssl=1
  • 9-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8-1.jpg?fit=1000%2C562&ssl=1
  • 7.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6.jpg?fit=1000%2C644&ssl=1
  • 5-1.jpg?fit=1000%2C562&ssl=1
  • 4-1.jpg?fit=1000%2C640&ssl=1
  • 3-1.jpg?fit=1000%2C562&ssl=1
  • 2-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this