Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisaskii ugu badnaa Covid-19 oo laga diiwaan-geliyey Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay sii korortay tirada dadka uu soo ritay cudurka faafa ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradaasi, Dr Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in baaritaan lagu sameeyey illaa 20 qof, islamarkaana xanuunka laga helay 12 ka mid ah.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka Puntland ayaa tilmaamay in 9 ka mid ah dadka laga helay cudurka Covid-19 ay rag yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin haween.

Tirada Covid-19 ee Puntland ayaa haatan mareysa illaa 23 ruux, waxaana u geeriyooday xanuunka hal bukaan, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this