Deeq A. Posted May 3, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay deegaanka Teerage oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyeey illaa laba qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii diriray iyo dad shacab ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana bilowday dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites