Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo arrimo muhiim ah kala hadlay guddiga Gurmadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka guddiga qaran ee ka hor tagga Covid-19, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Waxaa kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray xakameynta Coronavirus iyo sidoo kale gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada.

Khayre ayaa faray guddiga in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta Covid-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha haatan ka jira dalka

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiisa Ra’iisul wasaaraha.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal looga hortagayo Coronavirus iyo sidoo kale gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this