Deeq A. Posted May 3, 2020 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka guddiga qaran ee ka hor tagga Covid-19, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Waxaa kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray xakameynta Coronavirus iyo sidoo kale gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada. Khayre ayaa faray guddiga in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta Covid-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha haatan ka jira dalka “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiisa Ra’iisul wasaaraha. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal looga hortagayo Coronavirus iyo sidoo kale gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites