Deeq A. Posted May 3, 2020 Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel aad u xiiso badan, gaar ahaan is-araga labaad ee wareega koowaad ayaa waxaa xalay ku baratamay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenley ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadana ayaa waxaa guul ka gaartay Dharkenley, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Karaaan . Dharkenley ayaa la timid 14 dhibcood, halka Kaaraan ay keensatay 12 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites