Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Norway oo dacwad kusoo oogay Haweeney Soomaaliyada oo Qaniinyo Farta ku goysay Haweeney kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska dalka Norway ayaa dacwad kusoo oogay haweeney soomaaliyaa taas oo haweeney kale oo iyana soomaali ah ay is af-dhaafeen qaniinyo uga goysay mid ka mid ah faraheeda.

finger-300x168.jpg

Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha masjidka soomaalida ee Tawfiiq Islamsk Senter ee magaalada Oslo sagaalkii bisha Febraayo ee sannadkan, waxaana haweeneyda dacwadda lagu soo oogay ay jirtaa da`da kontameeyada.

Kaddib dhacdadan ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana iminka ay wajahi doontaa maxkamad taas oo go`aan ka gaadhi doonta kiiskeeda.

Haweeneyda farta laga gooyay oo iyana jirta da`da 30-meeyada ayaa waxaa xilligaas laga dabaqaaday farteeda oo looga dabageeyay dhakhtarka si dib loogu rakibo.

Wali ma cadda waxa ay isku qabsadeen labadan dumar ah, balse xilliga ay dhacdadu dhaxeysay ayaa waxaa ka taagnaa masjidka Tawfiiq is-qab-qabsi dhanka maamulka ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this