Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarniyadii tagay iyo qadhaadhkii la soo maray

Recommended Posts

Deeq A.   

QARNIYADII TAGEY , QADHAADHKII LA SOO MARAY , QODXIHII LA SOO GURAY , QUMAATI U SIXIDA QALADAADKII HORE , QURXINTA WAXA AYNU HAYSANO , QORI ISU DHIIBKA JIILASHA IYO QARANIMADA SOMALILAND !!!

Somaliland Waa qaran halgano badan oo kala wada duwan ku soo jiray ilaa sanadkii 1885 ee ay boqortooyada Ingiriisku dalkan ka dhigatay mahmiyad ay iyadu gacanta ku hayso iyada oo sida taariikhda ku xusan ay Somaliland muhiim ugu ahayd boqortooyada ingiriiska arimo badan oo ay ka mid yihiin halka ay aduunka ka dhacdo ama kaga taalo Somaliland oo meel aad u muhiima ahayd marka la eego loolanada awood ku dirirka, dhaqaalaha iyo danaha dawladooda oo uu ugu muhiimsanayd in ay saldhigii weynaa ingiriisku ku lahaa Cadan , Yemen in uu ka ilaashado.

1885 ilaa 1991 waxa ay soo gashay halgano adag oo kala duduwan oo aad u qadhaadh, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, gumeysi la dirir, gobanimo doon , halgankii dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee lagu guulaystay 1991 kii , halgan kasta oo la galay nafo iyo maal waxii dadkani haystay ayaa galay, markii ugu dambaysayna Somaliland waxa lagu soo celiyey halgan ay ku geeriyoodeen 10,000 kun oo halyey oo xaq u dirir iyo xoriyad u dagaalan ahaa , sida oo kale waxa barkacii iyo duqeymihii dawladii kalitaliska ahayd ku nafwaayey dad 50,000 oo qof ah , halka dad badan oo kalena ay u dhinteen xanuunadii gaajadii iyo barakacii dalka ka dhacay.

Tacab badan iyo talo saarasho Alle waxa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo qarnimadii Somaliland ( Somaliland British Protectorate ) ee ay Ingiriiska ka qaadatay 26 June 1960 kii , iyada oo 1 July 1960 kii midnimo aan la mahadin la yeelatay koonfurta Somalia (Italian Somaliland) taasi oo la sameeyey dal la yidhaahdo Jamhuuriyada Somalia oo jiray 30 sanadood oo murug, dagaalo iyo kalitalisnimo la isku maamulayey mark laga reebo 9 sanadood oo talinayeen dawlado rayid ahi.

1991 kii ayaa ay dadka Somaliland isku tashadeen waxaana ay ku dhawaaqeen 18 May 1991 in ay dib ula soo noqdeen qaranimadoodii , halkaasi ayaa hadana waxa seeska laga soo bilaabay halgan dib u dhis dal , dad iyo dawladnimo ah , maadaama hore loo baabiiyeey dhulkana loola simay waxii tacab mood iyo noolba lahaa ee ay soo dhaqanayeen intii Alle ku uumay dhulkan, halgankani oo isaguna ahaa mid adag oo kuwii hore ka sii adag maadaama sagxada iyo seeska laga soo bilaabay guud ahaanba noloshii ayaa waxa laga gaadhay guulo wanaagsan oo la taaban karo.

Waxa la dhisay dalkii, dadkii iyo dawladnimadii tacab badan oo caqabadihiisa iyo waayaha ku gedaanaa ka dib waxa lagu guuleystay in la abuuro nolol iyo dawladnimo isaga oo qofwaliba si iskaa wax u qabso ah halkii kaga beegnayd nolosha tabar iyo tacab galiyey, kagana midho dhaliyey oo maanta la dareemi karo waxqabadkii iyo halkii dalka laga soo dhaqaajiyey iyo halka uu maanta taagan yahay oo ah mid aad u kala fog marka aad eegto waxa inoo qabsoomay.

Waxa xusid mudan oo kaalinta dhismaha qaranka dhidibada u ahaa odayadii dhaqanka ee lahaa salaadiin, cuqaal, Guurti, waayeel iyo waxgarad ee ka shaqeeyey in nabadgalyo la dhiso oo la sameeyo isa saamax iyo dib u heshiisiin, arimahani oo ah kuwa salka u dhigay dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana dhidibada u adkeeyey, ilaa maantana la garab taagan talo , tilmaan iyo toosin.

Madaxdii qaranka soo martay duruufaha ay soo mareen iyo dariiqyada ay qaadayeen ha kala duwanaadeen ee waxa dedaal loogu jiray oo laga sinaa sidii qaranka Jamhuuriyada Somaliland u taabagali lahaa , taasi oo ay isa soo badeleen shan Madaxwayne mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin oo uu qaranka Jamhuuriyada Somaliland gaar uga taagnaa amaba dib ugala soo noqday dawladnimadiisii.

Qori isu dhiibka madaxdii dalka soo martay ayaa waxyaabaha lagu xasuusto amaba aynu kaga duwanahay mandaqada ay Somaliland ku taalo ee lagu amaano waxa ka mid ahaa wadatashiga, isutanaasulka iyada oo danta qaranka waxwalba laga horeysiinayo, walow ay jiraan duruufo badan oo aan dani keenin ee dad samee ah oo ay ka mid yihiin dhicid la’aanta ay doorashooyinkii xiligoodii ku dhici laayihiin, mudo kordhiska goleyaasha qaranka Somaliland ee caadada noqday ee ay dhashay doorasho la’aanta iyo xagal daaca ku yimid nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee Somaliland.

Waxa jira arimo badan oo Aduunku Somaliland ku amaanay laguna ixtiraamo oo ay gobolka ay ku taalo marka la eego ku mutaysatay cadaawad badan, waxaana ugu horeeya nabadgalyada, dimuqaradiyada iyo doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul qawlka, wadatashiga iyo isku tanaasulka oo aanu jecelahay qaybo badan oo ka mid ah in la soo celiyo.

Waxaana wanaagsan in danta guud ee dalka meel looga soo wada jeedo, loolanada siyaasada iyo tartanka hanka iyo hogaaminta qaranka ku salaysanina uu ahaado mid aad looga fekero si aan danaha dalka uga hor Iman isla markaana adigu maalinta aad fursada hesho dabar iyo caqabad kuugu noqon, iyada oo aan hadba hogaanka jooga looga habranayn lexojeclada iyo wanaajinta dalka oo ah waajibaad Ina wada saaran oo si isku mid ah inoo damqaya.

Muhamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this