Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 oo maanta Puntland laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa caawa shaacisay in maanta oo keliya 12 bukaan, oo horleh laga helay xanuunka COVID-19

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan, ayaa sheegay in maanta xanuunka laga baaray 20 ruux, islamarkaana laga helay 12 kamid ah, halka 8 kale laga waayay.

Bukaannada maanta la baaray, ayaa isugu jiray 16 rag ah iyo 4 dumar ah, waxaana xanuunka laga helay 9 nin iyo  3 haween ah. Dadka cudurka laga helay ayaa da’doodu u dhexaysaa 15-sano jir ilaa 65-sano jir.

Wasiir Jaamac, ayaa tilmaamay in tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ay gaartay 23 ruux, kuwaas oo uu ku jiro bukaan u geeriyooday xanuunka balse aysan jirin cid weli ka bogsatay.

PUNTLAND POST

The post Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 oo maanta Puntland laga helay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this