Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Qatar oo wefdi u direysa Somaliland iyo ujeedka ka dambeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhowaan la filayaa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ay usoo dirto wefdi culus oo qeyb ka noqonaya mucaawino dhowaan ay dowladdaasi kasoo dejinayso madaarka Hargeysa.

Sida ay tibaaxayaan xogo aanu ka helayno safarka wefdigaasi, ayaa kusoo aadi doono dhamaadka ama bilowga todobaadka cusub, iyaga oo la socda diyaarad mucaaawino caafimaad ah, oo wax weyn ka caawin doonto xukuumada Somaliland dhanka la dagaalanka cudurka Coronavirus/Covid-19.

Wefdigaasi ayaa la filayaa in deeqdaasi ay ku wareejiyaan guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga ee Somaliland, oo Madaxweyne Muuse Biixi u igmaday inay hormuud u noqdaan dagaalka ka dhan ah Coronavirus.

Mana cadda ilaa hadda in deeqdaasi ay ku imaneyso codsi ay Somaliland u gudbisay dowladda Qatar, iyo in si iskeed ah ay Qatar usoo gaarsiineyso mucaawinadaasi, xili ay dhowaan dowlada Imaaraadka Carabtu ay deeq caafimaad ka dejisay magaalada Hargeysa.

Dowladda Qatar ayaa inta badan lagu tiriyaa inay xiriir dhow oo saaxiibtinimo ay la leedahay dowlada federaalka, iyada oo deeqdan la filayo ay dadka qaarkood u arkaan in Qatar ay daneynayso inay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub la sameysato Somaliland, walow uusan si rasmi ah u cadeyn arrinkaasi.

Waxayna deeqdaasi ay noqon doonta midii u horeysay ee nooceeda ah oo dowladda Qatar ay si toos ah ugu deeqdo xukuumada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this