Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo eedeyn u jeedisay DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa dhaliilay xil ka qaadis ay xukuumadda federaalka ku sameysay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo.

Darwiish oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah in ay jahwareer ka abuureyso gobolka.

Xukuumadda dhexe ayuu ku booriyey in ay ka fiirsato talaabooyinkaas oo uu ka dhawaajiyey in ay yihiin sharci darro, sidda uu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Darwiish ayaa daboolka ka qaadey maamulka Jubaland uu aqoonsan yahay gudoomiyeyaashii hore.

Shalay ayay ahayd markii gudoomiyaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u magacowday gobolka Gedo uu xilalkii ka xayuubiyey gudoomiyeyaasha degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this