Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Somalia oo soo saartay digniino hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka roobka Gu’ga ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay.

Wasaarada ayaa warbixinteeda ku sheegtay meelaha ugu khatarsan ee waxyeelada badan kasoo gaari karto fatahaadaha ay sababaan roobabka Gu’ga ee bishan May, kuwaasi oo qaarkood ay hadda saameyn weyn ku yeesheen degmooyin ka tirsan dalka.

“Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeelan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada.

Waxaana la saadalinayaa in waqtiga lagu gudo jiro bisha May ee sanadkan ay fatahaado hor leh dhici doonaan, kuwaasi oo saameyn baaxad leh ku yeelan doona degmooyin dhowr ah oo uu maro webigu, sida Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo kuwo kale.

Sida warbixinta lagu sheegay waxa sidoo kale khatartaasi wajahi doona, gobolo kamid ah dalka, sida Sanaag, Bari, Nugaal, Sool, Awdal iyo kuwa kale, oo looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dheeriya mudada lagu jiro bishan bilowga ah.

Warbixinta wasaarada ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay inay adkaan doonto in si deg-deg ah loogu gurmado dadka ay waxyeeladu kasoo gaadho fatahaada iyo daadadka roobabkaasi, maadama uu dalka faro ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this