Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ku dhawaaqdey kiisas cusub oo ah Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 70 kiis cusub oo ah Coronavirus.

Saddex kamid ah kiisaskaas ayaa laga helay degaanadda Somaliland, sidda ay warbaahinta u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas.

Fowziya ayaa tilmaamtay saddex kale ay gudaha waddanka ugu dhinteen Covid-19. Muqdisho, Puntland iyo Somaliland ayay xusteen in ay ku geeriyoodeen.

Sidda laga soo xigtay wasiiradda, waxaa sidoo kale ka caafimaadey caabuqa saddex bukaan kale, kuwaas oo caasimadda ku sugan.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska ay gaareen 671; dhimashadda ay dul-tagtay 31, dadka ka bogsadeyna ay sii mareyso 34 ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this