Deeq A. Posted May 2, 2020 TACSI MADAXWEYNE- 02/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH TACSI MADAXWEYNE: 01/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Faarax Dhoore oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2020, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka, kana mid ahaa muwaadiniintii ka soo qayb-qaatay horumarka dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka oo uu ugu danbeeyey wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News Share this post Link to post Share on other sites