Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu madaxweyne Erdogan ku qeexay qalabkii ay maanta keeneen Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay gargaarkii uu soo diray Soomaaliya ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu madaxweyne Erdogan ku yiri ““Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliyeed. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.”

#MilliTeknolojiHamlesi ile geliştirdiğimiz solunum cihazları Somalili kardeşlerimize nefes olacak. Medeniyet imkân değil, vicdan meselesidir. Milletimizin imkânları da vicdanı da mazlum ve muhtaçların yanındadır.

Aziz Milletim, senin kalbinde merhamet adlı bir çınar vardır! pic.twitter.com/z5aqyPqZe9

— Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) May 2, 2020

Dowladda Turkiga ayaa qalabkan usoo dirtay Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar Jimcihii kasoo baxay madaxweyne Erdoğan, sida uu sheegay afhayeenka madaxweynaha Ibrahim Kalin.

Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan.

Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this