Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan xafiiska M/Yurub oo laga helay Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal kooban oo bogga uu ku leeyahay Twitter-ka uu ku daabacay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlang Martinez ayuu ku xaqiijiyey in saddex xubnood oo ka trisan xafiiskiisa laga helay cudurka halista badan ee Coronavirus.

Danjire Nicolas Berland ayaa qoraalkaan ku xusay in dadkaasi lagu arkay qaar ka mid ah astaamaha COVID-19, kadib baaritaan lagu sameeyayna laga helay cudurka.

Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berland Martinez ayaa sheegay in saddexdaas ruux ee ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub ee Soomaaliya la karantiilay, islamarkaana xaaladooda ay la wareegeen saraakiisha caafimaadka.

Dhamaan dadkii kale ee saddexda ruux  xiriirka dhOw la yeeshay ayuu tilmaamay Nicolas Berland in iyaguna la galiyey xaalad go’doon ah, baaritaana lagu sameyn doono.

Lama shaacin dhalashada saddexda ruux ee ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ee laga helay cudurka Coronavirus, balse waxa ay ka mid noqonayaan in ka badan 600 oo kiis oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diwaan-galiyey gudaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this