Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) Oo Ku Geeriyooday Hargeysa, Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Tacsi U Diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
إنا لله وإنا اليه راجعون… كل نفس ذائقة الموة.

ALLE ha u naxariistee, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, waxgaradka, ganacsatada iyo shacabka Soomaalilaan geerida ku timid Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi [Bidhaan] oo Hargeysa xaqii ugu yimid.

Marxuumku waxa uu ahaa ganacsatadii waaweyneyd ee qarankan tacabka badan soo gashatay, isla markaana qeyb laxaad leh ka qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu Jannooyinkiisa sarsare ku maamuuso, eheladii, qaraabadii, qoyskii, asxaabtii iyo shacabka JSL samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin Aamiin.

Source

Share this post

Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this