Sign in to follow this  
Deeq A.

3 Xubnood oo ka mid ah Hawl-wadeenada xafiiska Midowga Yurub Muqdisho oo laga helay cudurka Covid19

Recommended Posts

Deeq A.   

1/The EU informs that 3 members of one of the EU missions in Somalia tested positive for COVID-19. The patients have been isolated under medical supervision and those with whom the had contact are also in quarantine. pic.twitter.com/OOWefK17w8

— Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) May 2, 2020

Illaa saddex xubnood oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan howlwadeenada xafiiskiisa laga helay cudurka, kadib baaritaan lagu sameeyey.

Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay in la karantiilay xubnahaasi, islamarkaana lagu hayo meelo gaar ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la go’doomiyey dhammaan dadkii ay la kulmeen saddexdaasi qof ee la xaqiijiyey in laga helay Covid-19.

Safiirka ayaa ugu dambeyn xusay inay qaadi doonaan tallaabooyinka caafimaad ee hay’adda WHO, si loo badbaadiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Midowga Yurub.

Coronavirus oo haatan si aad ah ugu sii fidayo Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan laga helay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee magacoodaloo soo gaabiyo AMSISOM, iyadoona sidoo kale sarkaal kale oo looga shakiyey xanuunka la karantiilay.

Kiisaska illaa iyo hadda ay xaqiijsay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 600 oo ruux.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this