Deeq A. Posted May 2, 2020 Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomay qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro COVID19. Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan. Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites