Sign in to follow this  
Deeq A.

Masaajid Ku Yaalla Soomaaliya Oo La Xidhay Kadib Markii Laga Dhex Helay Cudurka COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kismaayo)-Masaajidka Xareed Yaroow oo kamid ah Masaajida ugu waaweyn dalka, Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa shalay gebi ahaanba lagu tukan salaadii Jimcaha, kadib markii la xidhay masaajidka.

Culimada gacanta ku haysa maamulka masaajidka Xareed Yaroow ayaa isla qaatay in masaajidka la xidho, sababa la xidhiidha cudurka faafa ee Coronavirus oo si weyna ugu sii fidaya gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaana dhowaan cudurka Coronaha laga helay qof kamid ah jameecada masaajidkaasi ku tukan jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Culimada maamulka masjidkaasi, midaasi oo u horseeday inay culimadu qaatan go’aanka xidhista masaajidka.

Masaajidka Xareed Yaroow ayaa noqonaya masaajidkii u horreeyay ee gudaha Soomaaliya la xidho, tan iyo intii uu dalkaasi ka bilaamay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, oo hadda kusii fidiya dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this