Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka digtay halis ‘ka daran mida Covid-19’ kadib daadadkii ku dhuftay Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Qardho oo dhowaan ay ku rogmadeen daadad geystay khasaarooyin xoogan.

Dr Jaamac ayaa ka digay suura-galnimada inay Qardho ka dilaacaan cuduro ka dhimasho badan Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in nadaafad darrada ka jirta halkaasi ay ka dhalan karaan cudurada Daacuunka iyo Shuban-Biyoodka oo si deg-deg ah ku faafa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in daadadku ay isku fureen Ceelasha ay Biyaha dadka ka cabayeen iyo Suuliyaashii ku yaallay magaaladaasi.

Wasiirka caafimaadka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan xanuunadaasi, islamarkaana ay ku dadaalaan nadaafadda guud.

“Waxaan ka codsanayaa dadka magaalada Qardho in ay aad uga feejignaadaan xanuunadaas iyo qashinkaas magaalada dhex-yaala.” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Dhowaan ayey aheyd markii dadaad xoogan oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maal ay ku dhufteen magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxaan haatan socda gurmad ballaaran oo loo fidinayo dhammaan qoysaskii ay sameynta ku yeesheen daadadkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this