Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in weli dad lagu la’yahay Fatahaaddii Qardho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay horay u sheegtay warbaahinta Puntland Post, waxaa dhammaan dib laga helay dadkii lagu la’aa fatahaaddii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Dadkaas oo tiradooda lagu sheegay 11 qof, ayaa dhammaantood nolol lagu helay 24-saac gudahood markii ay fatahaaddu dhacday, waxaana iyagoo bed-qaba dib loogu celiyay Qoysaskoodii, islamarkaana ma jiraan dad weli lagu la’yahay magaalada Qardho.

Warbaahinta qaar, ayaa maalmahan qoraysay in weli fatahaaddii Qardho lagu la’yahay dad gaaraya 30 ruux, waxaase wararkaasi beeniyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qardho, oo aan dib ula xiriirnay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya, in khasaaraha nafeed ee fatahaaddii Qardho ay ku koobantahay ilaa lix qof oo dhimasho ah, kuwaas oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn oo midkood haweenay tahay. Balse, waxay xaqiijiyeen in aysan jirin khasaare nafeed oo intaas ka badan iyo dad maqan midna.

Hase yeeshee, burbur hantiyeed iyo mid dhaqaale oo baahsan ayaa ka dhashay daadadkaas, waxaana ku bara-kacay boqollaal qoys oo hooy iyo hanti la’aan ku dhacday.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in weli dad lagu la’yahay Fatahaaddii Qardho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this