Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka digtay khatar kale oo soo food saartay Shacabka Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cismaan Xaaji Jaamac, oo ka tirsan guddi-hoosaadka qaabilsan Qorshaynta iyo Arrimaha Banii’aadanimada Gurmadka Magaalada Qardho, oo ka warbixisay kormeer ay ku sameeyeen xaaladda Banii’aadanimo ee ka dhalatay Fatahaaddii Qardho, ayaa sheegtay in ay jiraan musqulo Daadadkii ku dumay oo af-bannaan, islamarkaana meelo mugdiya ku yaalla.

Wasiirka Aamina, ayaa sheegtay in Fatahaaddii ka dhacday Magaalada Qardho ay keentay, in Suuliyaal badan isku furmaan, kadina ku dhex qarsoomeen waadiyo biyo iyo qashin ah oo dhex ceegaaga gudaha Magaalada Qardho, kuwaas oo khatar weyn ku ah Dadweynaha ku nool Qardho.

Waxay sheegtay, in suuliyaashaas malaasmay ay halis ugu jiraan in dadka iyo duunyaduba ku daataan, maadaama ay qarsoomeen oo aan si fudud lagu ogaan Karin in halkaasi suuli ahaan jirtay, waxaana ay xustay in sidoo kale xanuuno daran ay ka dhalan karaan musqulahaaas aasmay.

Sidoo kale, waxay sheegtay in suntii loo isticmaali jiray in xoolaha dulinka lagaga dilo ee Bakhaarada taallay, ay Fatahaadda raacday haatana ay daafaha Magaalada ka buuxdo, taasina ay khatar xooggan ku hayso dadka iyo doonyadaba.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka digtay khatar kale oo soo food saartay Shacabka Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this