Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dib u bilwoday baaritaannada COVID-19 kadib maalmo hakad ku yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo sabtiya dib u bilowday baaritaannada lagu samaynayo dadka looga shakisanyahay xanuunka COVID-19 kadib maalmo kooban oo hakad ku yimid baaritaanka dadka karantiilan.

Hakadkaas ayaa ka dhashay kadib markii sida la sheegay ay go’day kiimiko loo isticmaalo mashiinka baaritaanka taasi oo laga dalbay dalka dibaddiisa islamarkaana maalmo la sugayay balse ugu danbayntii shalay la keenay.

Ilaa 20 ruux oo karantiilan kadib markii looga shakiyay xanuunka COVID-19 ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabiya la marinayaa baaritaanka waxaana isla caawa la shaacinaya natiijada ka soo baxda baaritaankaas.

Tirada guud ee dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland ayaa gaaraysa 11 bukaan waxaana u dhintay hal ruux oo keliya balse ma jirto weli cid ka bogsatay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dib u bilwoday baaritaannada COVID-19 kadib maalmo hakad ku yimid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this