Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo sheegay inay diiwan-geliyeen 500 oo Meydad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay korortay tirada dadka maamulkiisu diiwaan-geliyey ee la geeyo maalintii Qabuuraha ku yaalla Caasimada, xilli dalka uu ka jiro Covid-19.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in laga soo bilaabo 19-kii bishii April illaa haatan ay diiwaan-geliyeen ku dhowaad 500 oo ruux, islamarkaana cel-celis ahaan malintiiba ay diiwaan-galinayeen tira u dhexeysa 22- 49 Qof, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay aaminsan yihiin in dadkaasi ay intooda badan u dhinteen cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Filish.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this