Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Wadajir oo xalay guul ka gaartay tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo meeraya meel xiiso badan ayaa waxaa xalay ku baratamay degmooyina Wadajir iyo Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A is-aragiisa labaad ee tartanka ayaa waxaa xalay guul ka gaartay Wadajir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Howlwadaag.

Wadajir ayaa la timid 16 dhibcood, halka Howlwadaag ay keensatay 12 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha tartanka.

Dhinaca kale waxaa caawa tartanka aqooneedka faca weyn ee Shabelle isaga hor imaan doono, islamarkaana ku ballansan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenley oo ka tirsan group-ka A is-aragiisa labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kaaraan ayaa horay barbar dhac ula soo gashay Howlwadaag is-aragii koowaad ee tartanka, halka Dharkenley ay iyana barbar dhac la soo gashay dhiggeeda Wadajir.

Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this