Sign in to follow this  
Deeq A.

Korea-da Waqooyi oo war rasmi ah kasoo saartay Kim Jong Un kadib mudo la la’aa

Recommended Posts

Deeq A.   

Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa markii ugu horreysay bulshada kasoo dhex-muuqday, tan iyo markii warar la xiriira xaaladdiisa caafimaad ay soo shaac baxeen bishii tagtay, isaga oo xariga ka jaray warshad bacraminta sameysa, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Kim “waxa uu ka qeyb galay xafladda” oo maalintii Jimcaha ka dhacday magaalada Suncheon oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Pyongyang, waxaana aad ugu riyaaqay dadkii ku sugnaa markii ay arkeen, ayey tiri wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi ee KCNA.

Kim ayaa waxaa wehliyey saraakiil sare oo ka tirsan Korea-da Waqooyi oo ay ku jirto walaashiis kayar Kim Yo Jong, sida warbixinta lagu sheegay.

Waxaa uu sidoo kale baaritaan ka sameeyey warashadda, waxaana “warbixin laga siiyey hanaanka ay wax usoo sarato,” ayaa lagu yiri warbixinta.

KCNA ayaa intaas ku dartay “Kim waxa uu si dareen qoto dheer leh u sheegay in awowgiis Kim Il Sun iyo aabihiis Kim Jong Il ay aad ugu farxi lahaayeen, haddii ay maqlaan warka ah in la sameeyey warshad sameysa bacriminta kiimikada oo casri ah.”

KCNA ayaa baahisay sawir muujinaya xarig jarka Kim, hase yeeshee lama xaqiijin karo sax ahaanshaha sawirkaas.

Toddobaadyadii tegay waxaa aad loo hadal hayey in Kim uu xanuusan yahay kuna sugan yahay xaalad halis ah kadib markii lagu sameeyey qalliin dhanka wadnaha ah oo qaldamay.

Hase yeeshee, sarkaal sare oo dhanka amniga kala taliya madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in ayaa maalmo ka hor sheegay in Kim “uu nool yahay aadna u fiican yahay”, isaga oo qaboojiyey wararka la xiriira inuu xanuusan yahay ama uu miir beelay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kadib warbixinta KCNA sheegay inuu wax ka dhihi doona xaaladda Kim, waqtiga ku habboon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this