Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda DFS iyo saddex diyaaradood oo Gargaar sida oo soo gaaray Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
wafdi-dfs.jpg?fit=1000%2C750&ssl=1

Saddex diyaaradood oo gargaar sida oo ay wadeen wafdi ka socda dowladda Federaala Soomaaliya ayaa maanta oo Jamce ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garowe.

Wasiirka Qorsheyntaiyo Xiriirka Calaamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo hogaamniyey wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano degaan doorashadoodu tahay Puntland oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in ay u yimaadeen in ay soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhacay daadadkii Qardho, kadibna ay kula laabtaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gargaraka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in ay Puntland keeneen saddexd diyaaradood oo sida agab isugu jira bacaha roobka, teendhooyin, kadiifado iyo maacuun, kuwaas loogu talagay dadkii ku barakacay daadadkii ku soo rogmay magaalada Qardho.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Ahmad Jabuuti oo kamid ahaa mas’uuliyiintii Puntland ee garoonka diyaaraha Garowe ku soo dhaweeyey wafdigan ayaa ka mahadceliyey gargaarka ay dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii ka dhalatay daadadkii ku soo rogmay Qardho.

Wadfigan waxaa kamid ah Wasiirka Qorsheyntaiyo Xiriirka Calaamiga ah Jamaal maxmed Xasan, Wsasiirka Kalluumeysaga iyo Kheyraadka badda,Cabdullaahi Bidhaan Wasiiru dowladaha Maaliyada Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeen Gargaarka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Xildhibaan Cumar ismaaciil Waabari iyo Xildhibaan Maxamuud Maas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayy door muuqda ka qaadanaysa dhibaatadii ka dhalatay fatahadii  daadadkii Qardho, iyadoo horay u bixisay $1,000,000 oo loogu talagay dadkaas.

PUNTLAND POST

The post Wafdi ka socda DFS iyo saddex diyaaradood oo Gargaar sida oo soo gaaray Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this