Deeq A. Posted May 1, 2020 Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka kulanka Jimcaha ee shabakada warbaahinta Shabelle, ayaa ku dhaliilay dowladda in kaalmooyinka bani’aadanimo aysan si siman ugu qeybinin gobolada dhibaatooyinka fatahaaduhu ay ka dhacaan ee Soomaaliya. Prof Dalxa ayaa sheegay in taariikhda dalka ay dadka bartay ay kamid tahay “in la siyaasadeeyo kaalmooyinka bani’aadanimo oo loo kala eexdo dadka dhibaatooyinka fatahaaduhu saameeyeen”. Xukuumadda federaalka ah ayuu ugu baaqay in si siman kaalmooyinka bani’aadanimo loogu qeybiyo gobolada waddanka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa siyaaba kala duwan lacago ugu kala deeqday qaar kamid ah magaalooyin ay ka dheceen fatahaado taasi oo dadka qaarkii dowlada ku eedeeyay in ay iska indha tirayso dadka ku nool gobolada qaar ee dalka sida gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye oo aysan dowladu gaarsiinin kaalmooyinkii loogu talagalay xilli ay saameyn ku yeesheen fatahaadihii sanadkii hore ka dhashay Webiga Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites