Deeq A. Posted May 1, 2020 Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelleha hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax Khasaaro geystay. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasa ah isla markaana uu ka dhacay halka loo yaqaan Maxkamaddii hore. Dad joobjoogayaal ah ayaa laga soo xigtay in jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada isla markaana ay dadku muujiyeen cabsi badan. Inta la xaqiijiyay qaraxaas Miino waxaa ku dhaawacmay hal qof oo Shacab ah waxaana jiray baaritaano ay sameeyeen ciidamada dowladda iyada oo lagusoo qabtay tiro dhalinyara ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan qaeaxaan ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay degmada Marka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites