Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Tuulax oo kormeer lagu hubinayo Amniga ku tagay Degmada Hilwaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Tuulax.png?w=1000&ssl=1

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax)  ayaa howla kormeer ah ku tagay xaafadaha kala duwan ee Degmada Hiliwaa oo xigta qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaa muhiimadiisu aheyd u kuurgalida xaalada amni ee Degmada ee sida ay ciidamada amniga heeganka ugu yihiin bad baadinta shacabka iyo la dagaalanka nabadiidka sidoo kale kormeerkan ayaa ahaa mid quseeya dhaqangalinta Bandowga ay Dowlada uga hortageyso faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta uga warbixiyay muhiimada kormeerkani.

Kormeerkaan waxaa mid aan ku kala bixin jirnay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan u hubino xaaladaha Amniga iyo sida ay iskula falgalayaan shacabka iyo Ciidmada Amaanka iyo sidoo kale dhaqan gelinta Bandowga lagu xakeymayao Cudurkaan safmareenka ah ee Karoona Feryuska sidoo kale waxaa ku bixin doonaa Degmooyinka oo dhan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan”

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Tuulax oo kormeer lagu hubinayo Amniga ku tagay Degmada Hilwaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this