Sign in to follow this  
Deeq A.

Suuqa Bakaaraha Muqdisho oo COVID-19 laga buufiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Caafimaadka iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah oo loogu hortagayo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ka sameeyay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaro ee Magaalada Muqdisho,

Gaadiidka gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose ayaa ka qeyb-qaatay howlaha lagu buufinaayo qeybo badan oo ka  mid ah suuqaasi iyadoo daawooyin jeermis dile ah loo adeegsaday halkaasi.

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ayaa  kormeeray Howlwadeenada Waaxda Caafimaad iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar, kuwaasi oo fulinayay qorshaha ka hortaga Caabuqa COVID19 ee lagu Buufinayo Caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u soo buufiyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho si loo xakameeyo faafidda xanuunka Coronavirus kaas oo in ka badan 600 oo kiis laga helay Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Suuqa Bakaaraha Muqdisho oo COVID-19 laga buufiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this