Deeq A. Posted May 1, 2020 Koox la sheegay in ay yihiin burcad ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay dhac wadareed ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhacdooyinkan ayaa laga soo wariyey inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo magaaladda Balcad, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Qof kamid ah dadka degaanka oo u waramay Raadiyaha Shabelle ayaa ka dhawaajiyey in dableyda ay gaadiidleyda ka qaadaan lacag badan. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay u geystaan gaadiidleyda jirdil, hadii ay ka biyo diidaan dalabka lacageed ee ay u gudbiyaan. Mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ayaa nan wali ka jawaabin dhibaatooyinka dib uga soo cusboonaadey degaano iyo degmooyinka mamaulkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites